Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka digay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu weerar ku qaado xarumaha ay ku sugan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka.
War Saxaafadeed ka soo baxay xisbiga Himilo Qaran ayaa ka digey dowladda cawaaqib-xumada ka dhalan karta abaabulka ciidan ee ay waddo xukuumadda.
“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ummadda Soomaaliyeed la wadaagayaa in Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu qaadi doono masuuliyadda iyo cawaaqib-xumo kasta oo ka dhalata duullaan lagu qaado xarumaha siyaasiyiinta”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka ka soo baxay xisbiga Himilo Qaran.
Xisbiga ayaa sheegay in Madaxweynaha uu masuuliyad buuxda qaadi doono haddii weerar lagu qaado xarumaha siyaasiyiinta mucaaradka, taas oo sii kordhin karta xiisadda siyaasadeed ee dalka.
Qoraalka digniinta ayaa ku soo aadaysa xilli ciidanka dowladda lagu arkay wadooyinka gala guryaha siyaasiyiinta mucaaradka oo ku yaala xeydaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Halkan hoose ka aqriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Himilo Qaran:






