Sunday, October 11, 2026
Home NEWS Inku dhow 140 ruux oo ku dhintey doon ku degtey xeebaha Jabuuti

Inku dhow 140 ruux oo ku dhintey doon ku degtey xeebaha Jabuuti

28

Ugu yaraan 139 muhaajiriin ah oo ay ku jiraan 15 carruur ah, ayaa dhintay, halka tobanaan kalena weli la la’yahay ka dib markii doon ay saarnaayeen ay ku degtay xeebaha Jabuuti, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha muhaajiriinta.

Doonta ayaa ka soo ambabaxday Jabuuti iyadoo ku sii jeedda Yemen, waxaana saarnaa 305 qof markii ay ku rogmatay meel u dhow magaalada dekedda leh ee Obock habeenkii Khamiista.
Qiyaastii 82 qof ayaa la badbaadiyay, sida ay sheegtay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM).

Madaxa xafiiska IOM ee Jabuuti, Alexandre Coissac, ayaa ku tilmaamay musiibadan mid xasuusin cad u ah khataraha ay wajahayaan muhaajiriinta marka ay raadinayaan nolol cusub.

Tobanaan kun oo muhaajiriin ah oo ka soo jeeda Geeska Afrika ayaa sanad kasta gala safarkaas khatarta badan iyagoo rajeynaya inay gaaraan waddamada Khaliijka si ay u helaan badbaado iyo shaqo, ayay sheegtay hay’addu.

Hay’addu waxay wax ka beddeshay tirada dhimashada oo markii hore ahayd 109 Axaddii, ka dib markii la helay 30 meyd oo dheeraad ah.
Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa sidoo kale diyaarinaya aas loo sameeyo dadka dhintay, halka dadka badbaaday – oo dhammaantood ah muwaadiniin Itoobiyaan ah ay helayaan daryeel caafimaad.

Yemen ayaa weli ku jirta dagaal sokeeye oo ba’an kaas oo socday in ka badan toban sano. Inkastoo uu jiro dagaalkan, iyo xasillooni-darro sii kordhaysa oo ka jirta guud ahaan gobolka, haddana muhaajiriintu waxay weli ka gudbaan marinka Bab el-Mandeb iyagoo u sii gudbaya Yemen, waxaana ku kallifaya saboolnimo, amni-darro iyo saameynta sii kordhaysa ee isbeddelka cimilada.

Hay’adda IOM ayaa sheegtay inay caawimaad siinayso 64 ka mid ah dadkii ka badbaaday musiibada, kuwaas oo ku sugan xarunteeda gurmadka ee Obock; adeegyada la siinayo waxaa ka mid ah daryeel caafimaad iyo taageero lagu doonayo in dib loogu mideeyo qoysaskooda.

Sida ay muujinayaan xogta IOM, in ka badan 900 oo muhaajir ah ayaa dhintay ama la waayay iyagoo maraya isla waddadaas sanadkii 2025-kii, xilli ay boqolkiiba 18 korodhay tirada dadka isku dayaya inay safarkaas galaan.

Bishii Maarso ee sanadkan 2026-kii, sagaal qof ayaa dhintay, 45 kalena waa la waayay ka dib dhacdo la mid ah tii dhacday maalintii Khamiista.

Colaadda ka jirta Yemen ayaa sidoo kale barakicisay in ka badan 130,000 oo qof oo ku kala nool dalka oo dhan, sida ay bishii hore sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga.

Kumanaan reer Yemen ah ayaa u qaxay dalka Jabuuti si ay uga baxsadaan dagaalka sokeeye ee u dhexeeya dagaalyahannada Xuutiyiinta iyo dowladda Yemen oo ay taageerto Sacuudiga.
Xigasho;BBC