Sunday, October 25, 2026
Home NEWS Cali Maxamed Geedi oo hambalyo u diray hoggaamiyaha cusub ee Hirshabeelle

Cali Maxamed Geedi oo hambalyo u diray hoggaamiyaha cusub ee Hirshabeelle

2

Okt 25 (Jowhar)- Ra’iisul Wasaarihii Hore ee XFS Mudane Cali Maxamed Geedi ayaa u hambalyo u diray Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo shalay loo doortay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle shanta sano ee soo socota.

“Guudlaawe waa waaya-arag la tijaabiyay oo qunyar socod ah lana hubo in uu maamulka iyo shacabka Hirshabeelle gaarsiin doono nabad, xasillooni iyo horumar waara, Sidoo kale waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Kuxigeenkiisa isagana maanta la doortay Mudane Abdifataax Xasan Afrax, waxaan labadooda u rajeynayaa in Ilaahay uu ku guuleeyo una fududeeyo mas’uuliyadda iyo waajibaadka loo igmaday”. ayuu ku yiri qoraal uu baahiyey Cali Geedi.