Okt 25 (Jowhar)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga, halkaas oo si rasmi ah loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Boqor Cabdilcasiis.
Xamza waxaa garoonka ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Jeddah, Amiir Saud bin Cabdullaah bin Jalawi, iyo mas’uuliyiin kale oo Sacuudiyaan ah, sida ay baahisay warbaahinta Arab news oo soo xiganaysa Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA.
Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo beegmaysa xilli ay Soomaaliya iyo Sacuudigu doonayaan inay sii xoojiyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan.
Dowladda Sacuudiga ayaa mar kale caddeysay taageeradeeda madaxbannaanida Soomaaliya iyo wadajirka dhuleed ee dalka, iyadoo diidmo ka muujisay tallaabo kasta oo wax u dhimaysa amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.
Labada dal ayaa sidoo kale iska kaashanaya sugidda amniga marin-biyoodka caalamiga ah iyo ilaalinta xorriyadda isu-socodka maraakiibta, kuwaas oo muhiim u ah ganacsiga iyo xasilloonida gobolka.
Booqashadan ayaa imanaysa iyadoo amniga marin-biyoodka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya, ay ka mid yihiin arrimaha muhiimka ah ee xiriirka gobolka.



