Okt 28 (Jowhar)-Wakiilka Joogtada ah ee Hindiya u fadhiya Qaramada Midoobay, Parvathaneni Harish, ayaa soo bandhigay mowqifka dalkiisa ee ku saabsan adeegsiga awoodda diidmada qayaxan intii lagu guda jiray kalfadhiga guud ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Waxa uu sheegay in awoodda diidmada qayaxan ay hadda leeyihiin oo keliya shanta dal ee xubnaha joogtada ah ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Waxa uu xusay in awooddaasi ay sidoo kale tahay mas’uuliyad, loona baahan yahay in si taxaddar iyo xakameyn leh loo adeegsado, gaar ahaan arrimaha la xiriira ilaalinta nabadda iyo amniga caalamka.
Waxa uu intaas ku daray in awoodda diidmada qayaxan aan loo adeegsan danaha siyaasadeed ee gaarka ah.
Harish ayaa sheegay in diiwaanka adeegsiga awooddan uu cad yahay, isaga oo xusay in intii ay jirtay Qaramada Midoobay, awoodda diidmada qayaxan la adeegsaday 331 jeer, lagana hor yimid ku dhowaad 200 oo qaraar.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in laba ka mid ah shanta dal ee xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee kala ah; Shiinaha, Ruushka, Maraykanka Faransiiska iyo Ingiriiska aanay awooddan adeegsan muddo ka badan 35 sano, halka inta badan adeegsigeeda ama hanjabaadaha la xiriira ay ka yimaadeen saddex ka mid ah dalalkaas.
Wakiilka Hindiya ayaa sheegay in hindisihii awoodda diidmada qayaxan ee la bilaabay 2022 uu rajo ka muujiyay isbeddel, maadaama uu dhigayo in mar kasta oo awooddan la adeegsado, arrinta looga doodo Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, si loo xaqiijiyo isla xisaabtan.
Arrinta awoodda diidmada qayaxan ayaa ka mid ah shanta qodob ee ugu waaweyn ee dib-u-habaynta Golaha Ammaanka, kuwaas oo ay dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay kaga wada hadlayaan wadaxaajoodyada dowladaha dhexdooda.





