Okt 29 (Jowhar)- Dowladda Federaalka Soomaaliya ay shaacisay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaas oo muddo dheer door muhiim ah ku lahaa maaliyadda kooxda.
Qoraal ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa lagu sheegay in ciidankeeda oo kaashanaya saaxiibada caalamka ay 23-kii Oktoobar fuliyeen duqeyn lagu dilay Faysal Yuusuf Macallin Cabdulle, oo sidoo kale loo yaqaanay Cabdikariin Horseed (Gaagaale).
Sida ay sheegtay NISA, Faysal Yuusuf waxa uu ka mid ahaa xubnaha sida dhow ula shaqeeya hoggaanka sare ee Al-Shabaab, isagoo hore u soo noqday madaxa guud ee maaliyadda kooxda.
Hay’addu waxay sheegtay in horjoogahan uu si qarsoodi ah ugu biiray Al-Shabaab sanadkii 2007, xilligaas oo uu ka shaqeynayay dukaan ku yaallay Suuqa Bakaaraha, halkaas oo lagu tilmaamay inuu gabaad uga dhigan jiray dhaqdhaqaaqiisa.





