Saturday, October 31, 2026
Home NEWS Hogaamiyaha Sare ee Iran oo Mareykanka uga digay inay qaadaan weerarro cusub

Hogaamiyaha Sare ee Iran oo Mareykanka uga digay inay qaadaan weerarro cusub

0

Okt 31 (Jowhar)- Hogaamiyaha Sare ee Iran, Mojtaba Khamenei, ayaa digniin adag u diray Mareykanka iyo Israa’iil, isagoo uga digay inay dib ugu laabtaan dagaalka. Digniintan ayaa ku xusan qoraal la soo saaray ka dib markii ay soo baxeen hadallo ku saabsan suurtagalnimada weerarro cusub.

“Haddii cadowgu ay mar kale qaadaan weerarro militari ama kuwo argagixiso, waxaa awoodda lagu go’aaminayo waqtiga iyo xaaladaha lagu soo afjarayo weerarradaas gacanta ugu jira ciidamada qalabka sida ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah iyo shacabka Iran,” ayaa lagu yiri qoraal lagu sheegay inuu ka yimid Mr. Khamenei, kaas oo lagu daabacay boggiisa internetka.

Farriintan ayaa soo baxday ka dib kulan dhex maray Mr. Khamenei iyo saraakiil sarsare oo militari ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Ali Abdollahi, Taliyaha Ciidanka Amir Hatami, iyo Taliyaha Ilaalada Kacaanka (Revolutionary Guards) Ahmad Vahidi.

Kani wuxuu ahaa kulankii ugu horreeyay ee la shaaciyo oo dhex mara iyaga.

Mr. Khamenei laguma arag goob fagaare ah tan iyo markii uu noqday Hogaamiyaha Sare, taas oo timid ka dib markii aabihiis, Ayatollah Ali Khamenei, lagu dilay weerarro ay fuliyeen Mareykanka iyo Israel bilowgii dagaalka Bariga Dhexe bishii Febraayo.

Qoraalka waxaa lagu faray saraakiisha militari inay hubiyaan in “nooc kasta ama heer kasta oo khatar ah looga jawaabo si degdeg ah, si xooggan, oo aan xad lahayn dhanka juqraafiyeedka”.

Sidoo kale, qoraalka waxaa lagu xusay inuu faray ciidamada militari inay ballaariyaan oo ay dib u eegaan liiska bartilmaameedyada Iiraan, si loogu daro “dhammaan hantida la taaban karo iyo tan aan la taaban karin ee uu leeyahay cadowga Mareykanka iyo kuwa Siiyoniyiinta”.

Dagaalku wuxuu billowday 28-kii Febraayo markii Mareykanka iyo Israel ay weerarro ku qaadeen Iran, taas oo keentay in Tehran ay si degdeg ah uga jawaabto iyadoo weerarro ku qaadday dalal ku yaalla gobolka.

Hadalka Mr. Khamenei ayaa soo baxay xilli la soo sheegayo dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed oo cusub, kuwaas oo looga golleeyahay in laga hortago in dagaalku mar kale dib u qarxo.

Wafdi ka socda dalka Qatar ayaa shalay gaaray Tehran si ay wadahahallo ula yeeshaan mas’uuliyiinta Iran, ka dib markii la sheegay in Iran ay heshay warqad ka timid Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka, JD Vance.

Sida ay ku warrantay warbaahinta Iran, Tehran weli kama aysan jawaabin warqaddaas.