Tuesday, November 3, 2026
Home NEWS Jaamacadda Carabta oo garab istaagtay qaranimadda Soomaaliya

Jaamacadda Carabta oo garab istaagtay qaranimadda Soomaaliya

13

Nov 03 (Jowhar)-Jaamacadda Carabta ayaa si rasmi ah u cambaareysay tallaabada Israa’iil ay diblumaasi u qaabilsan u guddoontay warqadaha aqoonsiga maamulka Somaliland, iyadoo sidoo kale dhagax-dhigtay dhismaha safaarad ay ku yeelanayso magaalada Hargeysa.

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Nabil Fahmi, ayaa bayaan uu soo saaray Isniintii 2-da Nofeembar 2026 ku sheegay in tallaabooyinka Israa’iil ay yihiin xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Nabil Fahmi ayaa sheegay in tallaabooyinkaas ay qayb ka yihiin dadaallo lagu doonayo in Soomaaliya lagu kala qaybiyo, lagana faa’iideysto khilaafaadka gudaha dalka, si Israa’iil ay u ballaariso saameynteeda siyaasadeed iyo midda militari ee ka baxsan xeebaha Gacanka Cadmeed.

Jaamacadda Carabta ayaa caddeysay in tallaabooyinka Israa’iil aysan waxba ka beddeli karin xaqiiqada ah in Somaliland ay qayb ka tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo mar kale ku celisay diidmadeeda xiriir kasta oo rasmi ah ama mid aan rasmi ahayn oo lala yeesho maamulka Hargeysa, kaas oo ka baxsan madaxbannaanida qaranka Soomaaliya.

Sidoo kale, Xoghayaha Guud ayaa xusuusiyay mowqifyadii hore ee Golaha Jaamacadda Carabta, gaar ahaan shirkii aan caadiga ahayn ee 28-kii Diseembar 2025 iyo shirkii caadiga ahaa ee Sebtembar 2026, kuwaas oo lagu diiday tallaabooyinka Israa’iil ee lagu doonayo kala qaybinta Soomaaliya.

Jaamacadda Carabta ayaa ugu dambeyn muujisay garab istaag buuxa oo ay la garab taagan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha sharciyeysan ee dalka, iyadoo ka digtay in tallaabooyinka Israa’iil ay saameyn ku yeelan karaan amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Bayaankan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan tallaabooyinka diblumaasiyadeed ee Israa’iil ay ka waddo Hargeysa, kuwaas oo dowladda Soomaaliya ay ku tilmaantay kuwo ka hor imaanaya madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.