Nov 08 (Jowhar)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, halkaas oo uu kaga qeybgalayo munaasabadda caleema-saarka hoggaanka maamulka Hirshabeelle.
Ra’iisul Wasaaraha, marka laga soo tago ka qeybgalka munaasabadda, ayaa la kulmaya hoggaanka maamulka Hirshabeelle, isagoo ka dhageysan doona warbixin ku saabsan horumarka laga sameeyay fidinta adeegyada guud, hirgelinta mashaariicda horumarineed, sugidda amniga iyo xoojinta iskaashiga heerarka kala duwan ee dowladda.
Kulamada uu Ra’iisul Wasaaruhu la yeelanayo madaxda Hirshabeelle ayaa sidoo kale la xiriira dardargelinta wada-shaqeynta dowladda Federaalka iyo maamulka, si loo xoojiyo howlaha horumarinta iyo amniga deegaannada Hirshabeelle.
Mudane Xamsa ayaa hoggaanka Hirshabeelle iyo madaxda kale ee maamulka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay dhammaystirka arrimaha dib-u-heshiisiinta iyo xal u helidda tabashooyinka jira, si loo xoojiyo wadajirka iyo xasilloonida maamulka.





