Imaadaatka Carabta oo tallaabo deg deg ah qaaday kadib safarkii taliyaha Sirdoonka Sudan ee Muqdisho

0
244

Aug 27 (Jowhar)-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta Sheikh Shakhbout bin Nahyan ayaa galabta socdaal qarsoodi ah ku yimid magaalada Muqdisho.

Maalin kaddib markii uu magaalada Muqdisho booqasho ku yimid Taliyaha Sirdoonka Suudaan Gen. Ahmed Ibrahim Ali Mufaddal.

Sheikh Shakhbout bin Nahyan iyo wafdigiisa ayaa galabta Madaxtooyada Villa Somalia kulan saacado badan qaatay kula yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana la rumeysan yahay in arrimaha laga wada hadlay ay ku jirto arrinta Suudaan oo Imaaraadka ku lug leeyahay.

Socdaalka wafdiga Imaaraadka ahna mas’uulka galka arrimaha Soomaaliya u qaabilsan ayaa ku soo aaday, iyadoo xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka uu muddooyinkii u dambeeyay uu mugdi galay, kaddib markii ay Imaaraadku ku lug yeesheen qadiyado dhaawacaya Midnimada iyo Qarannimada Soomaaliya.