Sep 20(Jowhar)-Brenda Biya oo ah gabadha uu dhalay madaxweynaha dalka Cameroon, Paul Biya, ayaa shacabka dalkaasi ugu baaqday inaysan u codayn aabaheed doorashada dhaceysa bisha soo socota ee Oktoobar 2025.
Hadalka waxey ka sheegtay muuqaal TikTok Live ah ay ku jirtay Brenda oo caan ku ah “King Nasty. waxay ku eedeysay aabaheed in mudada 43-da sano uu wadanka maamulayay uu galiyay saboolnimo, shaqo la’aan iyo horumar la’aan ka jirta Cameroon.
Arrintan waxey noqonaysaa markii ugu horraysay taariikhda siyaasadda Afrika in ilmaha madaxweyne xil haya uu si cad uga hor yimaado xukunka waalidkiis, isla markaana uu shacabka ku dhiirrigeliyo inaanay u codeyn waalidkaasi.
Paul Biya oo 92 jir ah ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu muddada dheer aalamka ee xilka haya. Paul Biya waxaa kaloo dul hoganaya eedeymo ay kamid yihiin kaligii-talisnimo, musuqmaasuq iyo doorashooyin muran badan dhaliyay oo uu xukunka ku sii dheereystay.