Madaxweyne Xasan oo maanta safar ugu ambabaxayo magaalada Kismaayo

0
163

Nov 05(Jowhar)-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar ku tagayo magaalada Kismaayo, xarunta maamulka Jubbaland.

Safarka Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay dadaallo lagu doonayo in lagu xoojiyo wadashaqeynta dowladda federaalka iyo Jubaland.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Madaxweynaha uu safarka ku wehlin doono Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), waxaana la filayaa inuu halkaas kula kulmo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Kulanka labada Madaxweyne ayaa la filayaa in uu diiradda saaro qodobo dhowr ah, oo ay kamid yihiin:

• In la aqoonsado natiijadii doorashada Jubbaland, taas oo hore ay dowladda federaalku uga biyo diidnayd, balse hadda lagu qasbanaaday in la aqbalo.

• In la joojiyo hadallada iyo ficillada dhalinaya xiisad siyaasadeed iyo kala fogaansho, laguna beddelo wadahadal iyo wada-shaqeyn, si loo dhiso kalsooni cusub.

• In maamulka Jubbaland uu ka qayb noqdo geeddi-socodka siyaasadeed ee ay garwadeen ka tahay dowladda federaalka, inkastoo faahfaahinta arrintaasi aan weli si rasmi ah loo shaacin.

Safarka Kismaayo ayaa noqonaya mid muhiim ah, iyadoo la rumeysan yahay inuu xoojin doono xiriirka labada dhinac, kadib sanado ay jireen khilaafaad siyaasadeed iyo isfaham la’aan soo jiitamayay.