Shirweynaha urur goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo lagu soo gabogabeeyay Muqdisho

0
89

Nov 09(Jowhar)- Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo xiray Shirweynaha Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EACCON 2025), kaas oo muddo laba maalmood ah (7–8 Oktoobar) ka socday caasimadda dalka, iyadoo ay kasoo qayb galeen madax sare oo heer gobol iyo heer qaran ah, khubaro, ganacsato, iyo wakiillo ka kala socday dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

Shirka ayaa si rasmi ah shalay uu furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku tilmaamay EACCON 2025 fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka dhaqaale, ganacsi, iyo isdhexgalka bulshada dalalka gobolka Bariga Afrika, gaar ahaan iyadoo Soomaaliya ay markii labaad martigelineyso shirkan tan iyo markii ay si rasmi ah u noqotay xubin buuxda ee EAC.

Shirka sanadkan waxa hal-ku dhig u ahaa “Kobcinta Wax-soo-saarka iyo horumarinta Iskaashiga Dhaqaale ee Waddamada ku bahoobay ururkani.” Ujeeddadiisu waxay ahayd in la xoojiyo iskaashiga dhaqaale ee dalalka xubnaha ka ah EAC, lana dardargeliyo xiriirka ganacsi, hal-abuurka, iyo horumarinta waaxaha muhiimka ah ee wax-soo-saarka, gaar ahaan beeraha, kalluumeysiga, iyo maalgashiga gudaha.

Intii uu shirka socday, waxaa lagu soo bandhigay cilmi-baarisyo, dood-cilmiyeedyo iyo warbixinno xeel dheer oo lagu falanqeeyay xaaladda dhaqaalaha Bariga Afrika, caqabadaha iyo fursadaha jira, iyo sida Soomaaliya uga qayb qaadan karto koboca dhaqaale ee gobolka iyadoo la adeegsanayo khayraadkeeda dabiiciga ah iyo awoodda dhalinyarada.

Shirka waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiya Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Jaamacadda SIMAD, Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Waxbarashada iyo Beeraha, iyagoo kaashanaya Xoghaynta Guud ee Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC Secretariat).

Waxaa sidoo kale garab socday bandhig ganacsioo ay ku soo bandhigeen shirkadaha Soomaaliyeed ee ka shaqeeya, ganacsiga  beeraha, kalluumeysiga, bangiyada, iyo isgaarsiinta, taas oo soo bandhigtay hal-abuur iyo fursado cusub oo ganacsi oo lagu kobcinayo dhaqaalaha gudaha.

Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, Mudane Andrea Ariik Malueth, oo ka hadlay xafladda xiritaanka, ayaa bogaadiyay sida heerka sare ah ee ay  Soomaaliya u martigelisay shirkan sanadkii labaad, isagoo sheegay in Muqdisho ay markale caddaysay in ay tahay xarun ku habboon shirarka caalamiga ah ee gobolka, ayna muujisay karti iyo isdiyaarin qaran oo lagu faano.

,Dr. Cabdirakim Muxudiin Axmed, Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD oo ka mid ahaa qaban-qaabiyeyaasha shirkan, ayaa uga mahadceliyay dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay qabsoomidda shirweynaha, isaga oo xusay in madashani ay kor u qaadayso cilmi-baarista iyo fahamka iskaashiga dhaqaale ee gobolka, ayna dhiirrigelinayso in jaamacadaha iyo hay’adaha tacliinta sare ay noqdaan hormuudka horumarinta aqoonta iyo hal-abuurka dhaqaale.

Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa soo xiray shirka isaga oo ku hadlayay magaca madaxda sare ee dalka. Wasiirka ayaa tilmaamay in EACCON 2025 uu ahaa shir taariikhi ah oo taabanaya kobaca dhaqaale, isdhexgalka bulshada iyo iskaashiga gobolka Bariga Afrika, isla markaana uu muujiyay sida Soomaaliya ay si dhab ah ugu jirto dadaalka mideynta iyo kobcinta dhaqaalaha gobolka.

Wasiirka ayaa u mahadceliyay wafdiyadii iyo madaxda ka socday dalalka xubnaha ka ah EAC iyo dhammaan qaban-qaabiyeyaasha Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in natiijooyinka shirkan ay horseedi doonaan qorshayaal istaraatiiji ah oo lagu xoojinayo iskaashiga dhaqaale iyo fursadaha maalgashi ee Bariga Afrika.


Shirweynaha EACCON 2025 ee lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho ayaa noqday madal muhiim ah oo lagu xoojiyay xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo dalalka gobolka, iyadoo la isla gartay in la dardargeliyo isku-xirka dhaqaalaha, wax-soo-saarka, iyo suuqyada Bariga Afrika.

Soomaaliya ayaa markale muujisay kartideeda martigelinta shirar heer gobol ah iyo go’aankeeda ku aaddan in ay door muuqda ka ciyaarto isdhexgalka dhaqaale ee gobolka iyo horumarinta wadashaqeynta Bariga Afrika.