Ciidamadda EU oo gaaray goobta ay burcad-badeeda Soomaalida ku heysatay markabka Hellas Aphrodite

0
140

Nov 07(Jowhar)-Wararka naga soo gaaraya Badda Cas ayaa sheegaya in burcaddii shalay gacanta ku dhigtay markabka Hellas Aphrodite ay maanta si buuxda uga deggeen markabka, iyada oo aan la soo sheegin wax khasaare nafeed ah oo gaaray shaqaalihii saarnaa.

Markabkan oo ay la socdeen 24 shaqaale ayaa la sheegay in la haystay muddo kooban, balse xaaladdu ay hadda degan tahay.

Ciidamada xeebaha ilaaliya ee Midowga Yurub (EU Naval Forces) ayaa ku guuleystay in ay gaaraan goobta lagu haystay markabka, taasoo keentay in burcaddii ay isaga cararaan iyaga oo aan wax dhaawac ah geysan shaqaalaha markabka.

Ilo amni ayaa sheegay in baaritaan rasmi ah lagu wado cidda ka dambeysay falkaas, iyo halka laga soo abaabulay weerarka burcadda.

Markabka Hellas Aphrodite oo sitay calanka Malta ayaa la sheegay inuu ku sii jeeday deked ku taalla dalka Koofur Afrika xilligii uu weerarku dhacay.