Nov 10(Jowhar)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda magaalada Algiers ee caasimadda dalka Aljeeriya, halkaas oo uu madaxweynuhu ku tegayo booqasho rasmi ah.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ee lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, tamarta, iyo iskaashiga diblomaasiyadeed.
Wafdiga madaxweynaha waxaa ka mid ah xubno ka tirsan golaha wasiirrada oo ay ka mid yihiin:
• Wasiirka Difaaca
• Wasiirka Macdanta iyo Batroolka
• Wasiirka Xanaanada Xoolaha
• Wasiirka Arrimaha Dibadda, Dr. Cabdisalaan Cali Dhaay
Inta uu joogo magaalada Algiers, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu la kulmo dhiggiisa Madaxweynaha Aljeeriya, Abdelmadjid Tebboune, iyo madax kale oo sare, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimo ku saabsan iskaashiga gobolka iyo midka caalamiga ah.










