Is-faham hordhac ah oo laga gaaray Shirkii u dhaxeeyay Madaxda DFS iyo Mucaaradka

0
235

Jul 20 (Jowhar)Ilo ku dhow dhow shirka oo labada dhinac ah ayaa sheegaya  qodobka ugu weye ee laga dooday uu ahaa Cutubka 4aad oo ah cutubka siyaasadda oo wax walba ku dhan yihiib, oo xataa ay mucaaradka ku kala duwanaayeen.

Qodobada qaar sida doorashada Madaxweynaha in lagu celiyo oo Baarlamaanka soo doorto, iyo in wax laga bedelo sida uu ku imaanayo Ra’iisul Wasaaraha ayna tahay in Baarlamaanka uu ceyrin karo.

Xiriiro aan la sameynay Xubnaha Mucaaradka ayaa qaarkood sheegaya in Madaxweynuhu ka laabanayo cutubka afaraad, balse dhanka kale waxay ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ii xaqiijiyeen in wixii tala soo jeedin ah ee ka yimid Mucaaradka, gaar ahaan cutubka afaraad uu Madaxweynuhu wadatashi kula laabanayo Hey’addaha ay quseyso.

Iyadoo wixii ka soo baxa uu dib ugu soo celinayo kulanka soo socda oo qabsoomi doono 10-ka bisha Agosto

Guud ahaan shirkii maanta ayaa u muuqday mid weji dadbasho “Face Saving” oo laga baaqsanayay in shirka maanta lagu kala tago.