Nov 17(Jowhar)-War lagu daabacay Website ay leedahay dowladda Canada ayaa looga digay muwaadiniinta dalkaasi in ay u safraan Soomaaliya.
“Xaaladda amniga ee Soomaaliya waa mid aad u kacsan, khatarta argagixisada gudahana waa mid aad u sareysa, gaar ahaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya iyo caasimadda Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Warkaan ayaa sidoo kale lagu yiri: “Xafiis dowladeed oo Canada leedahay oo ku yaal Soomaaliya ma jiro; sidaa darteed, Dowladda Canada kuma siin karto caawimaad haddii ay dhibaato ku qabsato Soomaaliya. Haddii ay sidaas dhacdo, waa inaad aadaa safaaradda ama qunsuliyadda Cnaada ee kuugu dhow ama aad is debarto,”.
Isku dhacyo u dhexeeya ciidamada amniga iyo dibadbaxayaasha ayaa dhacay. Waxaa sidoo kale jiray koror ku yimid weerarrada ka dhaca caasimadda, taasoo keentay khasaare rayid ah iyo burbur kaabayaal dhaqaale.
Digniintaan ayaa lagu muujiyay in Somaliland iyo Puntland ay ammaan ahaan ka yara roonyihiin koonfurta hase-yeeshee waxaan meesha laga saarin in ay qayb ay ka yihiin digniinta loo diray dadka u dhashay dalka Canada.
Dadka ajnabiga ah ayaa halis aad ah u ugu jirabaa la yiri in lagu afduubto Soomaaliya oo dhan, oo ay ku jirto Somaliland. Dhowr qof oo reer galbeed ah, oo ay ku jiraan shaqaalaha samafalka, ayaa la afduubtay.










