Xeer ilaalinta Qaranka oo gaartay dacwo ka dhan ah Maareeyaha Turkish Airline Muqdisho

0
104

Nov 17(Jowhar)-Xaafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa sheegay inuu gacanta kuhayo dacwad ka dhan ah nin Turki ah oo lagu magacaabo Turhan kenmen kuna magacaaban Maareeyaha Xaafiiska Turkish Airline ee Soomaliya.

ninkaan ayaa ku eedeysan sida xeer ilaalintu sheegtay inuu muwaadin soomaliyeed oo lagu magacaabo Cabdifataax Axmed Xuseen si ulakac ah oga reebay diyaarada isagoo safar ah.

xaafiiska ayaa sheegay inuu baaritaan wado marka lasoo gabagabeeyana laga qaadi Doono Turhan talaabo sharciga Waafaqsan.

ninkaan Turkiga ah ayaa maalmahan baraha bulshada qabsaday iyadoo rakaab badan oo soomali ah dacwo ka yihiin hab dhaqankiisa.