Nov 18(Jowhar)-Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka hadlay sababta adduunka ula yaabo marka la sheego kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya ay leedahay, isla markaana la is weydiiyo sida dal leh hodantinimo noocaas ahi uu weli u wajaho gaajo iyo baahi joogto ah.
Wasiirka oo ka hadlayay madal lagu falanqeynayay cuntada iyo wax soo saarka gudaha ayaa yiri:
“Adduunku waa nala yaabaa markaan dhahno waxaan leenahay 3,333 KM oo bad ah, in ka badan 9,800 hiktar oo dhul beeraha ah, 3 webi, iyo 57 milyan oo neef—gaajana na haysa. Nama fahmaan. Waxay leeyihiin: wixii idinka badan ayaa ka faa’iideysta.”
Wasiir Maareeye wuxuu sheegay in Soomaaliya leedahay kheyraad ka badan dalal badan oo dunida ah, balse caqabado ay ka mid yihiin amniga, maalgashi la’aanta, qalabka casriga ah oo yaraanaya, iyo maarayn xumo ay sababayaan in aan loo isticmaalin sida loogu baahan yahay.
Wasiirka ayaa ugu baaqay bulshada, ganacsatada, iyo jaaliyadaha dibadda in ay door muuqda ka qaataan dib-u-dhiska sector-ka beeraha oo uu ku sheegay “laf-dhabarta nolosha bulshada Soomaaliyeed.”










