Puntland iyo ICRC oo ka wada hadlay xal u helida dadka ku barakacay dagaalada Calmiskaad

0
84

Nov 18(Jowhar)-Ku-simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi uu hoggaaminayo Madaxa Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) ee Soomaaliya, Mudane Antoine Grand.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iyo ballaarinta barnaamijyada hay’adda ICRC ka wado Puntland, iyadoo mudnaanta la siinayo dadka colaaduhu saameeyeen, gaar ahaan Calmiskaad, waxaana sidoo kale la isla qaatay in gurmad iyo gar-gaar  bini’aadannimo la gaarsiiyo dadka ay saamyeen abaaruhu.

Kulanka waxaa ka qayb galay wasiirada Gargaarka, Shaqada iyo Shaqaalaha, Beeraha, iyo Saraakiil Madaxtooyo.