Nov 19(Jowhar)-Madaxweynaha Koonfurta Suudaan, Salva Kiir ayaa xilka ka qaaday afar wasiir, guddoomiye gobol, iyo taliyaha booliska, isaga oo sidoo kale magacaabay madaxweyne ku xigeen.
James Wani Igga ayuu u magacaabay madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha, isaga oo beddelay Benjamin Bol Mel oo todobaadkii hore shaqada laga eryay.
Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Joseph Geng Akech, wuxuu ku beddelay Michael Makuei Lueth oo hore u ahaa wasiirka warfaafinta iyo isgaarsiinta.
Simon Mijok Mijak wasiirkii gaadiidka iyo buundooyinka ayuu xilkii ka qaaday wuxuuna ku beddelay Peter Lam Both.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale shaqada ka eryay Josephine Naphon oo ahaa wasiirkii deegaanka iyo kaymaha, wuxuuna ku beddelay Mabior Garang Mabor.
Mr. Kiir ayaa xilka uu ka qaaday Michael Makuei wasiirkii warfaafinta, isgaarsiinta, tignoolajiyada iyo adeegyada boostada, waxaana lagu beddelay Ateny Wek Ateny, oo hore u ahaan jiray afhayeenka Madaxweynaha.
Wuxuu kaloo shaqada ka eryay General Abraham Manyuat, taliyihii guud ee Booliska Qaranka, waxaana lagu beddelay General Saeed Chawul Lom.
Kiir wuxuu sidoo kale James Wani Igga u magacaabay ku-xigeenka koowaad ee xisbiga SPLM.
Wani Igga, oo ah siyaasi khibrad leh, ayaa hore u soo noqday madaxweyne ku xigeenka SPLM iyo ku-xigeenka guddoomiyaha xisbiga. Waxaa dib loogu magacaabay jagooyinkii uu hayay ka hor intii aan xilka laga qaadin bishii Febraayo.
Kiir wuxuu sidoo kale xilka ka qaaday guddoomiyihii Gobolka Central Equatoria, Rubi Mujung, waxaana lagu beddelay Emmanuel Adil Anthony.
Xil-ka-qaadistaan waxaa loo sameeyay iyadoo aan la bixin wax sharaxaad ah.










