Israel oo 27 Falastiiniyiin ah ku dishay magaalada Qaza

0
24

Nov 20(Jowhar)-Afhayeen u hadlay waaxda Difaaca Madaniga ah ee Falastiin, ayaa sheegay in 27 qof ay ku dhinteen duqeymo dhowr ah oo ay Israa’iil Arbacadii ka geysatay qeybo kala duwan oo ka tirsan Marinka Gaza ee la go’doomiyay iyo kuwa la burburiyay.

Maxmuud Bassal, oo ah afhayeen la hadlay wakaalada wararka ee AFP, waxaa uu u sheegay in 12 falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 3 dumar ah iyo 6 caruur ah ay ku dhinteen duqeymaha Israa’iil ay ka geysatay deegaanka Zeitoun ee bariga magaalada Gaza, halka labo lagu dilay labo weerar oo ka dhacay xaafada Shujaiya

Waxaa uu intaa ku daray in 13 qof ay ku dhinteen oo ay ku jiraan 4 carruur ah iyo 4 dumar ah, halka tobaneeyo kalena ay ku dhaawacmeen duqayn ay Israa’iil ka geysatay magaalada Khan Yunis ee koonfurta Marinka Gaza.

Ciidanka Israa’iil ayaa Arbacadii ku dhawaaqay inay bilaabeen duqeymaha “bartilmaameedyada Xamaas” ee guud ahaan marinka Qaza, ka dib markii rag hubaysan ay rasaas ku fureen goob ay ciidamadoodu kaga hawlgalayeen Khan Younis oo ku taalla koonfurta marinka, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay ciidamada

Milateriga Israa’iil ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay, in tani ay ka dhigan tahay jebinta heshiiskii xabbad joojinta, iyadoo aanay jirin wax khasaare ah oo ka dhashay, annagoo ka jawaabayna waxaan bilownay inaan weerarno bartilmaameedyada argagixisada Xamaas ee guud ahaan marinka Qaza.

Xamaas ayaa cambaareysay duqeynta Israa’iil, waxayna ku eedeeyeen ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuu doonayo inuu dagaalka dib u billaabo.