Dalka Tanzania oo manata ay ka bilaabaneyso dacwada ka dhanka ah habka loo soo xulay xubnaha Somaliya ku metelaya EAC

0
19

Nov 21(Jowhar)-Waxaa maanta si rasmi ah u bilaabatay dhageysiga kiiska go’aanka ay Maxkamadda Arusha ka qaadaneyso eedeymaha ku saabsan gal dacwadeedka ka dhashay habraacii lagu soo xulay 9-kii xubnood ee Soomaaliya ku mateli lahaa Baarlamaanka Urur Goboleedka Bariga Afrika (EAC).

Maxkamaddu waxay maanta dhegeysaneysaa doodaha labada dhinac, iyadoo go’aanka laga sugayo uu saameyn weyn ku yeelan doono mustaqbalka matalaadda Soomaaliya ee EAC.

Sidoo kale, labada dhinacba waxaa u furan in ay racfaan (appeal) ka qaataan go’aanka maxkamadda, taas oo u oggolaanaysa in kiiska dib loogu qaado heer sharci oo sare haddii midkood uu ku qanci waayo natiijada.

Dhinaca kale, xisbiga uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa soo dhaweeyay in dib loo celiyo 9-ka xubnood ee hore loo soo xulay, si mar kale si caddaalad iyo hufnaan leh loogu tartamo kursiyada matalaadda Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.