
Nov 22(Jowhar)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay go’aan culus oo uu ku baabi’iyay dhammaan shuruucdii iyo hannaankii ilaalinayay in la tarxiilo Soomaalida soogalootiga ah ee ku nool gobolka Minnesota. Arrintan ayaa dhalisay cabsi iyo walaac xoogan oo ku soo kordhay jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaas ku badan.
Trump oo farriin muran abuurtay ku baahiyay baraha bulshada, ayaa ku andacooday in:
“Kooxo Soomaali ah ay argagax ka wadaan gobolkaas, waxaana la sheegay in Balaayiin Dooqr ay maqan yihiin. Dib ugu celiya halkii ay ka yimaadeen.”
Go’aankan oo si degdeg ah u dhaqan galay, ayaa loo arkaa tallaabadii ugu adkayd ee Madaxweyne Mareykan ah uu qaado oo si toos ah u saameynaysa Soomaalida. Waxa uu si weyn u kordhinayaa:
Minnesota waa gobolka ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan Maraykanka, waxaana tallaabada Trump ay dhaawacaysaa amniga, xasilloonida, iyo mustaqbalka bulshadaas oo door muuqda ku leh ganacsiga, shaqooyinka, adeegyada bulshada iyo siyaasadda gobolka.
Hoggaamiyeyaasha Soomaalida iyo xuquuqul insaanka ee gudaha Mareykanka ayaa si degdeg ah u cambaareeyay go’aanka, iyaga oo ugu baaqay bulshada xasillooni iyo inay la tashadaan qareenno sharci si loo helo wadiiqooyin lagu difaaco xuquuqdooda.








