Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya oo wadahadallo la yeeshay dhiggiisa dalka Pakistan

0
59

Nov 22(Jowhar)-Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Abdisalam Abdi Ali, ayaa maanta kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Senator Mohammad Ishaq Dar, inta uu socdey shirka 4aad ee Madasha Wasiirrada EU Indo-Pacific ee magaalada Brussels.

Labada wasiir ayaa yeeshay wadahadallo ku saabsan xiriirka laba geesoodka ah kobcaya ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Pakistan, iyagoo iftiimiyay dadaallada lagu sii xoojinayo iskaashiga labada dhinac ee dhammaan qaybaha muhiimka ah.