Nov 26(Jowhar)-Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shaaciyey in Maryan Maxamed Nuur lagu soo oogay dacwad culus oo la xiriirta maalgelinta argagixisada, dhaqidda lacagaha sharci darrada ah iyo ku lug lahaanshaha falal argagixiso oo la xiriira kooxda Al-Shabaab.
Maryan Maxamed Nuur ayaa loo gudbiyey Maxkamadda Gobolka Banaadir kaddib baaritaanno dheer oo muujiyey inay isticmaashay shan koonto bangi iyo shan taleefan lambar, kuwaas oo la dehx mariyay lacag gaaraysa $2,170,889 (Laba milyan, boqol iyo todobaatan kun, sideed boqol iyo sagaal dollar).
Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa sheegay in lacagtaasi loo adeegsaday:
• Maalgelinta argagixisada
• Lacag dhaqidda
• Fulinta qaraxyada
• Dilalka
• Tabarucaadka kooxaha hubeysan
• Isku dirka qabaa’ilka iyo hawlgallada kale ee argagixisada
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ku xukuntay Maryan Maxamed Nuur:
• 6 sano oo xarig ah
• Ganaax lacageed oo ah $20,000
• In lala wareego 8 boos oo dhul ah oo ay lahayd
• In la baab’iyo dhammaan akoonnada ay leedahay, lana wareejiyo dowladda wixii hanti ah ee ku jira










