NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Shabaab ah oo loosoo diray weeraro ay ka fuliyaan Muqdisho

72

Nov 27(Jowhar)- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee (NISA) ayaa gacanta ku dhigay shabakad Khawaarij ah oo ka kooban ilaa 11 dhagar-qabe, kuwaas oo ku howlanaa falal argagixiso isla markaana ku dhuumaaleysanayay Muqdisho iyo deegaanno ka tirsan Gobollada Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe.

Dhagar-qabeyaashan ayey Khawaarijtu u soo diyaariyeen inay fuliyaan shirqoollo argagixiso, basaasnimo, iyo inay isku dhex qarin karaan shacabka, Ciidanka Sirdoonka Qaranka oo hayay xogtooda oo dhammeystiran ayaa mid mid u soo qabtay xilli ay qaarkood gacanta kula jireen fal-dambiyeedyo argagixiso.

Xubnahan Khawaarijta ah ayaa loo gudbin doonaa hay’adaha ku shaqada leh, si looga qaado tallaabada ku habboon.