Maraykanka oo dalbaday inuu is casilo Madaxweynaha Venezuela si looga hortago dagaal

25

Dec 01(Jowhar)-Dawladda Maraykanka ayaa la sheegay inay digniin kama dambays ah u dirtay Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro, iyadoo Aqalka Cad ee Maraykanku uu ka dalbaday inuu si degdeg ah xilka iskaga casilo si uu dalkiisu uga badbaado weerarka Maraykanka.

Sida uu qoray wargeyska Miami Herald ee ka soo baxa Maraykanku, waxa uu Aqalka Cad u sheegay  Nicolas Maduro in haddii uu xilka iska casilo loo furi doono albaab uu dalkaasi kaga baxo isaga, xaaskiisa iyo wiilkiisu, isla markaana uu ogolaado in dalkaasi Venezuela dib loogu soo celiyo hannaankii dimuqraadiga ahaa.

Maraykanka ayaa sida uu wargeysku qoray doonaya in aanay weerari doonin haddii uu dalabkaasi aqbalo Madaxweyne Nicolas Maduro.

Hasayeeshee, xogaha kale ee la helayo ayaa sheegaya in aanu Madaxweynaha Venezuela digniintaasi qaadan doonin, diyaarna uu u yahay inuu dalkiisa ka difaaco dagaalka Maraykanka xiitaa haddii uu ku geeriyoonayo.