Dowladda Soomaaliya oo xarriga ka jartay Buundada Sabiid iyo Caanoole oo dib loo dhisay

69

Dec 06(Jowhar)-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray Buundada muhiimka ah ee Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabellaha Hoose.

Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda, Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, saraakiil ka socotay howlgalka AUSSOM iyo dowladda Turkiga. Dhammaan mas’uuliyiintan ayaa si weyn u soo dhaweeyay dhismaha iyo dayactirka lagu sameeyay buundadan  muhiimka u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Masuuliyiinta  ayaa tilmaamay in furitaanka buundada ay sare u qaadi doonto dhaqaalaha, amniga, iyo isku socodka bulshada deegaanka, waxaana ay dhanka kale ballan qaadeen in mashaariic kale oo horumarineed laga fulin doono guud ahaan gobolka Shabellaha Hoose.

Buundadan oo ay horey u burburiyeen cadowga argagixisada ayaa dib-u-dhiskeedu waxa uu qeyb ka yahay dadaallada ay dowladda Soomaaliya ku xoojinayso soo celinta kaabayaasha dhaqaale iyo isku xirka degmooyinka iyo gobollada dalka.