Nin muuqaalo anshax xumo ah ka duubay gabdho kala jooga Muqdisho, Hargaysa, Garoowe, Wajaale, Addis Ababa iyo Jijiga oo la qabtay

720

Dec 08(Jowhar)-Booliska Maamulka Magaalada Jigjiga ayaa qabtay nin muuqaallo badan oo anshax xumo ah ka duubay gabdho soomaaliyeed kala duwan ka dibna ku dhibaateeyay.

Ninkan oo lagu magacaabo Ayuub oo ku dhashay Magaalada muqdisho ka dibna tagay yurub gaar ahaan wadamada; Talyaaniga iyo Austria ayay booliska DDS ku qabteen Magaalada jigjiga ka dib markay dumar dacwo ka ah u yimaadeen.

Booliska MMJ oo ka jawaabaya cabashadaa Dumarka ayaa  hawl gal ay sameeyeen ku guulaystay inay qabtaan eedaysanahan. Baadhitaan uu boolisku sameeyay ayaa waxaa telefoonkiisa laga helay muuqaallo uu ka duubay hablo Soomaaliyeed, oo uu kaga duubay magaaloyinka; Muqdisho, Hargaysa, Garoowe, Wajaale, Addis Ababa iyo Jijiga.

Habka uu u khiyaamayay hablahan soomaaliyeed;

Booliska ayuu u caddeeyyey inuu gabdhaha marka hore baraha bulshada kala xidhiidhi jiray, kana shukaansan jiray. Kalsooni iyo isdhaxgal ayuu ku abuuri jiray, video call na wuu ka wici jiray, dabadeedna uu ka duubi jiaray muuqaallo ay dhar la’aan yihiin. ka dib waxa uu ka dal ban jiray in toos loogu soo diro muuqaallo kale oo anshax-xumo ah tii ka diidana uu ku rakaatayn jiray uguna hanjabi jiray inuu faafinayo kuwii uu hore uga hayey oo uu qaarkood duruufta uga faa’idaystay, qaarna kalsooni uu ku abuuray ku khiyaamay.

Booliska ayaa guud ahaan Bulshada uga digay inay ka taxadaraan dadka falalka noocan ah sameeya gaar ahaan shacabka degaanka soomalidu inay ka feejignaadaan dhaqamada xunxun iyo halista Aalada internetku wadato.