Sunday, February 8, 2026
Home NEWS 12 Urur Siyaasadeed oo soo gudbiyay musharixiinta uga qeyb galeyso doorashada degmooyinka...

12 Urur Siyaasadeed oo soo gudbiyay musharixiinta uga qeyb galeyso doorashada degmooyinka Muqdisho

815

Dec 09(Jowhar)-Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Federaalka Cabdikariim Axmed Xassan oo saaka ka hadlayay Muqdisho ayaa sheegay in guddigiisu ay si buuxda u gudanayaan waajibaadkooda shaqo ee loo xilsaaray.

Wuxuu sheegay in diyaargarowga doorasho degmooyinka Banaadir ay si hufan dhankooda u wadaan, 12 urur siyaasadeed ayuu tilmaaay in ay liisaska musharaxiintooda soo gudbiyeen.

Cabdikariim ayaa ku adkeystay in aan waxba iska bedelin jadwalkii u dambeeyey ee ay soo gudbiyaan oo ay kusoconayaan, xili ay jiraan is rogroga dhinaca siyaasadda ah oo madaxweyne Xassan Sheikh dhexda uga jira.