Trump oo mar kale weerar culus ku qaaday Ilhan Cumar iyo Soomaalida

51

Dec 10(Jowhar)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday Soomaalida iyo xildhibaan Ilhaan Omar oo ka tirsan Aqalka Kongareeska lagana soo doorto gobolka Minnesota, xilli uu ka hadlayay isku soo bax ka dhacay Pennsylvania, shalay.

Intii uu ka hadlayay isku soo baxa oo uu dhinacyo badan soo hadal qaaday ayaa waxaa sidii dhowaanahanba uu waday aan ka marnayn khudbaddiisa Soomaalida.

Barasaabka gobolka ay Soomaalidu ku badan yihiin ee Minnesota Tim Walz ayuu ku tilmaamay mid kamid ah ”kuwii ugu xumaa” ee taariikhda barasaabyada, halka xildhibaan Ilhaan Cumar uu ku tilmaamay ”naag xun” kahor inta aysan dadkii isku soo baxay ku dhawaaqin iyaga oo isla jiibinaya ”dib u celiya”.

Waxa uu soo hadal qaaday xijaabkeeda oo uu ku tilmaamay ”koofiyad yar” isaga oo ku baaqay in la masaafuriyo.

“Waan jeclahay Ilhan Omar, wax walbuu magaceedu yahayba, iyadoo xiran koofiyadda yar,” Trump ayaa yiri, isagoo kala jeeda xijaabkeeda.

Madaxweynuhu isaga, Ilhaan uma arko “qof fiican oo Mareykanka usoo haajirtay”. Balse iyadoo ku faaneysa ayay u doodday xuquuqdeeda xirashada xijaabka ee gudaha Aqalka Wakiillada, taasoo meesha ka saartay mamnuucid saarneyd 181 sano.

“Way timaaddaa, waxba ma qabato marka laga reebo inay hadasho oo cabato,” ayuu Trump yiri. ”Mar walba waa ay cabanaysaa. Waxa ay ka timid waddankeeda oo runtii loo arko inuu yahay kan ugu xun adduunka, sax?”