NISA oo howlgal gaar ah ku dishay 12 Shabaab ah

152

Dec 10(Jowhar)-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay dhulka hawdka ah ee deegaanka Jambaluul, degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkan oo muddo la qorsheynayay ayay NISA ku dishay illaa 12 xubnood oo ka tirsan kooxda Shabaab, sida ay wararku sheegayaan. Shaqsiyaadka la dilay waxaa ka mid ahaa horjooge muhiim ahoo ay hay’addu muddo raad-joogtay, kaas oo lagu eedeeyay inuu hogaaminayay falal argagixiso oo laga abaabulayay sidaas oo kale.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in howlgalka lagu burburiyay fariisimo ay kooxdaasi ka samaysatay hawdka deegaanka, ayna ku qabteen agab iyo xog muhiim ah oo u sahlaya baaritaanno dheeri ah.

NISA ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto howlgalada ka dhan ah kooxaha amniga qaranka khalkhalinaya, iyagoo ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka.