Madaxweyne Cirro oo booqday dadkii ku dhawacmay shaqaaqadii magalada Boorama

195

Dec 14(Jowhar)-Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa saaka subaxnimadii Dhakhtarka Guud ee Hargeysa ku booqday qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay shaqaaqadii dhawaan ka dhacday magaalada Boorama.

Madaxweynuhu waxa uu mid mid u booqday bukaannada,isagoo ka xog-waraystay xaaladdooda caafimaad. Waxa uu si gaar ah u xaqiijiyey in uu si buuxda u barbar taagan yahay dhammaan dadkii ku waxyeelloobay dhacdadaas, isla markaana aanay kelidood ahayn.

Madaxweynaha ayaa Wasaaradda Caafimaadka, maamulka iyo shaqaalaha Dhakhtarka Guud ee Hargeysa uga mahadnaqay dedaalka joogtada ah ee ay ku bixiyeen daryeelka bukaannada, isaga oo ku bogaadiyey sida xilkasnimada leh ee ay u gudanayaan waajibaadkooda caafimaad ee ay bulshada u hayaan.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu mar kale tacsi u diray qoysaska ay waxyeelladu gaadhay, isaga oo Allah SWT uga baryey in uu caafimaad degdeg ah siiyo dadka dhaawacmay.