Madxweynaha Masar oo ka hadlay xadiga culeyska ay ku heyso dowladda Itoobiya

75

Dec 21(Jowhar)- Madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi ayaa sheegay in Masar “aanay qabin wax dhibaato ah” marka laga reebo in ay Itoobiya heshiis sharci ah la gasho oo khuseeya biyo xireenka Grand Renaissance Dam ee Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay mar uu magaalada Qaahira kula kulmay wufuud Afrikaan ah oo ka qeyb galayay shirka labaad ee heer wasiir ee Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika, kaasi oo hadda ka socda dalka Masar, sida ay baahisay warbaahinta dowladda ee Al-Ahram.

Al-Sisi waxa uu sheegay in Masar aysan wax dhibaato ah ku qabin Itoobiya, balse “danta kaliya ee ay ka leedahay ay tahay in aan lagu xad-gudbin xuquuqdeeda ku aaddan webiga Niil, taasna waa in la gaaro heshiis sharci ah oo dhaqan-gal ah,” isagoo carrabka ku adkeeyay mawqifka dalkiisa ee biyo-xireenka Grand Renaissance Dam ee Itoobiya ay dhistay oo ay billowday.

Todobaadyo ka hor, wasiirka arrimaha dibadda Masar, Badar Abdellatif, ayaa BBC-da u sheegay in dalkiisu uusan doonayn in wadahadallo kale lala yeesho Itoobiya, maaddaama 13 sano oo wadahadal ah uu dalkaas la yeelanayay aysan wax natiijo ah kasoo bixin, uuna ilaalin doono xuquuqdiisa sida uu qabo sharciga caalamiga ah.