Ururada siyaasadeed ee aqbalay doorashada oo xujo cusub keenay ka hor maalinta codbixinta

95

Dec 23(Jowhar)-Doorashada Gobolka Benaadir ee 25-ka bishan loo qorsheeyay inay qabtaan guddiga aan sharciyadiisa la  isku raacsanayn ayaa maanta wajahaysa xujo cusub oo ay keeneen ururadii ku qancay inay la saftaan ururka Madaxweynaha ee JSP.

Ururada siyaasadeed ee ku haray ka qeybgalka doorashooyinka Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta bilaabay in ay Dowladda ka dalbadaan kharashaad lagu socodsiiyo ololeyaashooda. Waxay sheegeen inaysan kharash la’aan doorasho galaynin oo ay ka harayaan.

Dalabkan ayaa culeys ku ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana haatan Hotel Paradise ee Muqdisho uu wada hadal uga socdaa Wasiiro ka socda Xukuumadda iyo qaar kamid ah maxaxda ururadaas.

Dalabkan cusub waxaa keenay in Madaxtooyadu ay Ururo gaar ah ballanqaad xileed iyo dhaqaale siin isugu dartay taasoo ay ogaadeen ururadii kale, waana tan waqtigan xalkeeda loo fadhiyo Hotel Paradise.

Labo Urur ayaa noo xaqiijiyay in ay kharashaad la siiyay ururo kale, sidaas darteedna aysan ka qeyb qaadin karin haddii aan si siman loo wada taakuleynin ururada oo dhan