Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka qeyb qaadanayaa dagaalka Shabaab looga saarayo Hirshabelle oo kasoo tilaabay xadka
Mar 08 (Jowhar)-Ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah ayaa soo gaaray meel u dhow xuduudka Itoobiya iyo Soomaaliya ee Feerfeer, sida ay ku warantay Warbaahinta Amhara News.
Ciidamadan ayaa la filayaa in la geeyo deegaanada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, si ay uga qeyb qaataan guluf dagaal oo ka dhan ah Shabaab, kuwaasoo maalmihii la soo dhaafay weeraro rogaal celin ah ku soo qaaday deegaanada Shabeellaha Dhexe.
Maalmo ka hor ayay aheyd markii diyaaradaha dagaalka Itoobiya ay duqeymo culus ka geysteen deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe, kaddib codsi ka yimid dowladda Federaalka Soomaaliya.