Dec 30(Jowhar)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, halkaas oo uu uga qeybgalayo munaasabad muhiim ah oo taariikhi u ah xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa inta uu booqashada ku joogo Turkiga, kulan gaar ah la qaadan doona Madaxweynaha Turkiga, Mudane Recep Tayyip Erdoğan, kaas oo diiradda lagu saari doono qiimeynta iyo xoojinta iskaashiga istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.
Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale ka wada hadli doona xaaladda guud ee gobolka, amniga, horumarinta dhaqaalaha, iyo danaha wadajirka ah ee labada dal, iyagoo adkeynaya doorka Turkiga ee taageerada joogtada ah ee uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta adeegyada bulshada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.
Xiisadda soo Korortay ee la dhalatay aqoonsiga ay Israel siisay Somaliland ayaa qeyb ka ah ajendayaasha labada madaxweyne.
Booqashadan ayaa la filayaa inay sii xoojiso xiriirka saaxiibtinimo iyo walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, isla markaana horseeddo heshiisyo iyo iskaashi miro-dhal ah oo labada dal anfaca.










