Aabe Shiine ah oo 24 sano kadib helay wiil laga xaday

Nin u dhashay wadanka Shiinaha ayaa dib u helay wiil uu dhalay oo uu la’aa muddo ka badan 24 sano kadib markii laga afduubtay albaabka guriga ay degenaayeen.

Aabaha dhalay wiilkan ayaa u safray inkabadan nus malyuun kiilomitir isagoo raadinaya wiilkiisa. Wiilka Guo Gangtang wuxuu jiray kaliya labo sano iyo shan bilood markii laga afduubtay guriga qoyska hortiisa ee ku yaal bariga gobolka Shandong, halkaas oo uu ku ciyaarayay isaga kaligiis.

Kooxo afduubayaal ah ayaa wiilka kaxaystay kadibna ka iibiyay qoys ku nool bartamaha Shiinaha, sida ay sheegtay wasaarada amniga dadwaynaha.

Afduubka iyo ka ganacsiga caruurta ayaa ku faafay Shiinaha sanadihii sideetameeyadii, markii la dhaqan galiyay sharcigii hal cunug ee qallafsanaa.

Sannado badan oo baadigoob ah kadib, booliska ayaa Guo u sheegay Axaddii in baaritaanka DNA-ga lagu xaqiijiyay in macallin 26 jir ah oo ku nool bartamaha gobolka Henan uu yahay wiilkiisa oo muddo dheer raadinayay.

“Hadda oo cunugga la helay, wax walba oo keliya ayaa lagu farxi karaa hadda ka dib,” ayuu yiri Guo oo ilmeynaya markii uu la kulmay wiilkiisa.

Sanadihii la soo dhaafay, Guo wuxuu ka caawiyay toddobo qoys oo kale inay helaan carruurtooda ka lumay waxayna sare u qaadeen wacyiga ku saabsan ka ganacsiga carruurta.

Guo ayaa u sheegay wariyeyaasha inuu mar sii horeysay booqday magaaladii uu wiilkiisa ku koray si uu aabe kale uga caawiyo inuu helo wiilkiisa la afduubtay.

Laba tuhmane oo lala xiriirinayo kiiska ayaa la qabtay,hase yeeshee Booliska ma aysan bixin faahfaahin ku saabsan qoyska iibsaday wiilka Guo.

Tan iyo markii ay bilaabeen in la baaro xogta DNA-da ee xubnaha qoyska kala lumay sanadkii 2016, booliisku waxay sheegeen in ay ka caawiyeen in ka badan 2,600 oo qof inay dib ula midoobaan qoysaskooda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More