Aadan Madobe iyo Cabdi Xaashi oo gaaray Dhuusa-mareeb si ay qeyb uga noqdaan dagaalka Shabaab

Sep 21 (Jowhar.com)- Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka sare Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan xildhibaano labada gole ka tirsan ayaa goordhow gaaray Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Dhuusamareeb kusoo dhoweeyay Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid.

Wararka ayaa sheegaya in wafdigan ay u bexeen sidii ay kalian uga qaadan lahaayeen dhiira gelinta ciidamada ee howlgalada Shabaab lagu beecsanayo halkaasi ka wada.

Dhuusamareeb waxaa hore muddo laba bilood ku dhaw ku sugnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More