Aadan Madoobe oo waji kale u yeelay xiisada dagaal ee magaalada Baydhabo.

Dec. 23 (Jowhar.com)-Gudoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay dagaalkii maanta ee Baydhabo ayaa dhinaca kale wadahadal ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamay halkaasi.

Aadan Madoobe oo todobaadkan uun ka soo laabtay Baydhabo ayaa xiisadaha colaadeed ee halkaasi ka soo cusboonaaday ku micneeyay mid lagu carqaladeynayo shirka dib u heshiisiin ee 5-ta bishan loo balansan yahay, kaasoo uu abaabulkiisa wado.

“Dhammaan wixii khilaaf siyaasadeed ah ee ka jira deegaanka, sidii aan horay u soo jeedinay, waxaa lagu xalinayaa miiska wadahadalka. Waxaan u aragnaa dhaqdhaqaayadan kuwo looga dan leeyahay in lagu fashiliyo shirka dib u heshiisiinta aan ku baaqnay ee lagu madlanyahay 5ta bisha Janaayo 2023-ka” ayui yiri.

Arrimahaan ayaa uga sii daray xiisada siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed, ayada oo gebi ahaanba ay fashilmeen dadaalo lagu rabay in xal looga gaaro, kadib markii ay xubnaha mucaaradka ee ku sugan Muqdisho ganafka ku dhufteen shirka dib-u-heshiisiinta

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More