Aas loo sameeyay ciidamo Boolis ah oo lagu diley weerar ka dhacay duleedka Hargeysa

August 13 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka qeybgalay aas loo sameeyay 9 askari oo lagu diley iska horimaad ku dhex maray ciidamada Booliska Maamulka Somaliland iyo Jabhad ka soo horjeeda maamulka Somaliland.

Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland ayaa waxa uu ka sheegay xabaalaha lagu aasayay meydka sagaalkan askari ayaa sheegay in qaranka looga fadhiyo in cid kasta oo ku lug lahayd dilka askartaas sharciga la hor geeyo.

“Qaranka Somaliland seddex qodob baa la gudboon oo kali ah, marka hore ciddii shirqoolkaa iyo dilkaas gaysatay, mid abaabulay mid caawiyay iyo mid gacanta gaystayba in la horkeeno sharciga, oo sharciga sida diinta islaamku ogoshahay la mariyo, waa waajib qaranka saaran dad iyo dawladba, xukuumadduna ay garwadeen ka noqonayso, hay’addaha sahrciga waxa la farayaa in ay hawshaa soo dhamaystiraan raadkeeda”. Ayuu yiri Madaxweyne Biixi

Madaxweyne Biixi ayaa xusay in cadow badan uu leeyahay Somaliland oo meelo badana laga soo weerarayo.
Jabhad saldhig ka dhigtay buurta Gacan Libaax ayaa waxa ay dileen illaa sagaal askari halka 17 kalana ay ku dhaawacmeen iskahorimaad kooban oo dhex maray labada dhinac.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More