Abiy Ahmed;”Ma dooneyno inaan dagaal la galno Soomaaliya”

Feb 06 (Jowhar.com)- Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Talaadadii sheegay in uusan dooneyn inuu dagaal la galo Soomaaliya, inkastoo uu mar kale carrabka ku dhuftay in dalkiisa uu doonayo in uu helo marin badeed.

Khudbad uu Abiy u jeediyay baarlamaanka ayuu kaga jawaabay walaac dhawaan laga qabo xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, kaddib markii Addis Ababa ay Maamulka Somaliland la saxiixatay heshiis Is afgarad oo muran dhaliyay oo ku saabsan.

Ra’iisul Wasaaraha oo warbixin ka hor jeediyay Golaha Shacabka ee dalkiisa, ayaa sheegay in dalkiisu uusan dooneyn dagaal uu la galo Somaliya.

Abiy ayaa ku eedeeyay quwado uusan magacaabin in ay ka shaqeynayaan sidii ay Itoobiya colaad iyo dagaal ula gali leheed Soomaaliya.

“Uma maleynayo in dowladda Soomaaliya ay rabto inay isku dhacaan Itoobiya – sidaas ayaan qiyaasayaa.” Balse quwadaha daneynaya ayaa doonaya in ay Soomaaliya ka dhigtaan gacmo ay ku adeegtaan, laakiin waxaasi nama qabtaan.
Wuxuu intaas ku daray: “Xoogaga doonaya arrintaan waxaa laga yaabaa in ay sameeyaan walaalaheena Soomaaliya, sida ay hadaba warbaahinta ugu adeegsanayaan walaalaheena qurbajoogta ah; balse inaga nooma babac dhigi karaan?

Wuxuu sheegay Abiye in dawladiisu aysan wax tartan ah kula jirin nabadda iyo midnimada Soomaaliya.

“Ma jirto dawlad uga shaqaysay midnimada Soomaaliya sida taydu uga shaqaysay oo kale. Waan ku daalnay sidii aan u dhexdhaxaadin lahayn Soomaaliya iyo Somliland. Hadii ay Soomaaliya iyo Somaliland heshiiyaan berri, Itoobiya waxay noqoneysaa waddanka ugu horeeya ee ku farxa,” ayuu yiri Abiy Ahmed.

Waxa kale oo uu sheegay: “Ma dooneyno inaan cidna wax ka qaadano. Ma dooneyno inaan taabno madaxbanaanida cid kale”.

Balse wax hadal ah kama uusan dhiiban arrinta in Itoobiya ay aqoonsan doonto Somaliland iyo in kale, iyo talaabada xigta ee ay qaadi doonaan midna.

Waxa uu sheegay in Itoobiya ay ka jiraan xaalado ugu filan dhibaato, taas oo ay kamid yihiin abaaruhu, oo aysan tabar u ahayn in ay cid weeraraan. Balse waxa uu sheegay in hadii lagu soo xadgudbo dalkeeda ay leedahay Itoobiya awood ay isaga difaacdo cid kasta oo soo weerarta.

“Itoobiya waligeed cidina ma soo haweysan, Waddan kale waligiis inta ku soo duulay ma qabsan. Saddex waddan iska dhaafe toban ayaan xitaa waxba ka qaadi karin. Ma dagaalano. Ma rabo inaan dagaalano. Balse hadii ay timaado waan is difaaci karnaa. Cidna maa aadeyno, laakiin hadii naloo yimaado waan is difaaceynaa. Taas haka walwalinina.

Kiiska Itoobiya iyo Soomalaiya ayaan wali wax xal ah laga gaarin, iyada oo wali laga war sugayo go’aanka ay ka soo saaraan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kadib markii ay Soomaaliya codsatay in ay arrintaan ka fariistaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More