Abiye Axmed oo balanqaad u sameeyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

May 16 (Jowhar.com)- Abiy Axmed Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa war ka soo saaray guusha uu Xasan Sheekh Maxamuud ka soo hoyiyay doorashadii madacweyne ee xalay ka dhacday teendhada Afisyooni ee magaalada Muwdisho.

Abiye oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu hambalyo ugu diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii uu xaley ka guuleystay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay isugu soo hareen wareega 3aad ee codeynta.

Abiyu wuxuu sheegay in uu si dhaw uu la shaqeyn doono madaxweynaha cuusb, ayna iska kaashan doonaan doono arrimo ay kamid yihiin xiriirka labada dal iyo danaha gobolka,

Si kastaba, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa helay 214 cod halka Farmaajona uu helay 110 cod. Waxaa codeysay 327 xildhibana ee labada aqal ee baarlamaanka, iyadoo doorashada u tartantay in ka badan 30 murashax oo ku haray wareeggii koowad iyo labaad ee codbixinta oo ahayd mid aad u adag

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More