Abwaan kale oo kasoo jeeda Somaliland oo ku biiray Shabaab

April 22 (Jowhar.com)-Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in Abwaan Maxamuud Jeesto oo Somaliland kasoo jeeday kaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa Muqdisho uu gaarey magaalada Jilib kuna biiray kooxda Al-Shabaab.

Illaa haatan, ma jiro wax war ah oo laamaha ammaanka Dowladda Federaalka ay kasoo saareen dhacdadan.

Dhowr jeer ayay horey u dhacdey in shaqsiyaad reer Gobolada Waqooyi ah ay isku dhiibaan kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida uguna magac weynaa Nageeye Cali Khaliif oo barre ka ahaa Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More