Af-gambi markii 10-aad ka dhacay dalka Guinea-Bissau iyo Milatariga oo amarro soo rogay

30

Nov 27(Jowhar)- Millateriga Dalka  Guinea-Bissau ayaa xalay ku dhawaaqay in ay Af-ganbi kula wareegeen xukun dalkaasi, maalin kahor xiliga lagu dhawaaqayay natiijadii doorashada dalkaasi oo aad loogu loolamay.

War ay kasii daayeen telefishinka dowladda, ayey saraakiisha Milatariga ku sheegeen inay xilka ka tureen Madaxweyne Umaro Sissoco Embalo, ay joojiyeen geeddi-socodka doorashada, xireen xuduudaha, ayna soo rogi doonaan bandow.

Waxay sheegeen inay sameysteen “Taliska Sare Militariga ee Soo Celinta Kala Dambeeynta”, isla markaana ay maamuli doonaan dalka Galbeedka Afrika ilaa amar dambe.

Daqiiqado ka hor intaan lagu dhawaaqin afgembiga, waxaa xalay fiidkii rasaas laga maqlay agagaarka xarunta guddiga doorashada, qasriga madaxtooyada iyo wasaaradda arrimaha gudaha, sida ay sheegeen goobjoogayaal. Rasaastu waxay socotay ku dhowaad saacad, balse waxay u muuqataa inay istaagtay markii dambe.

Guddiga doorashada ayaa maanta qorsheynayay inuu ku dhawaaqo natiijooyinka hordhaca ah ee doorashada Axaddii dhacday, taas oo Embalo uu loolan adag kula jiray musharaxa ugu weyn ee mucaaradka, Fernando Dias.