Afar askari oo Uganda u dhalatay oo saldhigii Shabaab ay qabsadeen laga helay 6 maalmood kadib

Jun. 07 (Jowhar.com)-Afar Askari oo ka tirsan ciidamada Uganda ayaa muddo lix maalmood ah is qarinayey ka hor inta aan la soo badbaadin ka dib markii dagaalyahannada Al-Shabaab ay soo buux dhaafiyeen saldhigooda, sida uu VOA u sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Uganda (UPDF).

Sareeye Guuto Felix Kulaigye ayaa sheegay in Afarta Askari oo uu ku jiro Sarreeye Guuto ay ka badbaadeen iyagoo ku dhuumaaleysanaya gudaha iyo hareeraha Saldhigga magaalada Buulo Mareer oo 110-KM dhanka Koonfureed kaga beegan magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in ciidamada la helay kadib markii ciidamada Uganda ay dib ula wareegeen Khamiistii saldhigga.

” Way tabar yaraayeen sababtoo ah waxay ku badbaadeen kaadida oo kaliya oo ay cabeen,” Kulaigye ayaa yiri.

Waxa uu sheegay in mid kasta oo ka mid ah askartaasi uu kaligiis ku dhuumanayay, meelo kala duwan oo saldhigga Shabaabka ay qabsadeen kamid ah.

“Waxay ahaayeen kuwo daciif ah gaajo darteed,” ayuu hadalkiisa kusii daray.

“Ale-sanaha waa uu dhaawacmay, lugtiisa ayaa si xun u dhacday, waxaana lagu daaweeyay isbitaal, laakiin waxay ballanqaadayaan inay si wanaagsan u soo kabsan doonaan.” Ayuu yiri.

Warkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu madaxweyne Yoweri Museveni sheegay in 54 askari Uganda looga dilay weerarkii 26-kii bishan.

Uganda ayaa Soomaaliya u soo dirtay koox uu hogaaminayo taliyaha ciidamada dhulka Lieutenant General Kayanja Muhanga si ay u baaraan weerarka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More