Afar qof oo ku dhimatay qarax culus oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

Jun. 06 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax xooggan oo fiidkii hore ee xalay ka dhacay qeybo kamid ah degmada Hodan ee bartamaha magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa Miino waxaa la galiyay guriga uu xaafada Shiirkole ka dagan yahay taliyihii hore ee saldhiga booliska degmada Hodan C/Fitaax Qoslaaye, waxaana jugta qaraxa laga maqlay xaafado badan oo kamid ah magaalada.

Inta la ogyahay waxaa qaraxaasi ku naf waayay afar askari, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen, taliye Qoslaaye oo xiligaasi guriga ku sugnaa ayaa la sheegay inuu ka badbaaday weerarkan, sida laamaha amaanka ay ku warameen.

Lama oga cida weerarkan ka danbeysay, wuxuuse kusoo beegmaya xili dhawaan uun xabsi laga soo daayay, xilkana laga qaaday taliye Qoslaaye oo u xirnaa dil ilaaladiisa ay isgoyska Tirabuunka ugu geysteen nin ganacsade ahaa.

Si kastaba, Illaa waqti-xaadirkan, ma jirto cid kamid ah hay’adaha nabad-gelyadda Soomaaliya oo warbixin fahfaahsan kasoo saartey qaraxan iyo haddii ay jiraan shaqsiyaad ku lug lahaa oo ay gacanta kusoo dhigeen ciidamadda amniga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More