Afar xildhibaan oo maanta lagu doortay magaalada Baydhabo

Afar xildhibaan oo ka mid noqonaya xildhibaanada baarlamaanka 11aad ee golaha Shacabka ayaa lagu doortay maanta magaalada Baydhabo ee xarunta kumeelgaarka ah ee dowlad goboleedka Koofurgalbeed. Kuraastan maanta lagu doortay Baydhabo ayaa waxaa ka mid ah kursiga HOP103 oo ay guddiga doorashooyinka heer federal ay hakiyeen.

Kursiga koowaad ee HOP103 ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Cali Xasan oo ah Wasiirka howlaha Guud iyo Guryeynta Koonfur Galbeed oo helay Codad dhan 78 halka musharaxii la tartamayey ee mukhtar Cali Ibraahim uu heley Codad 18 Cod, halka 4 Cod ay xumaatay.

Doorashadii ka dhacday Baydhabo ayaa kursiga labaad ee HOP189 waxaa ku tartamay Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kursigaan horay ugu fadhiyay iyo Xasan Cali Maxamed, balse waxaa kursiga ku guuleystay Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo helay 63 Cod Halka musharaxii la tartamayey ee Xasan Cali Maxamed uu heley codad gaaraya 11.

Kursiga Saddexaad ee HOP042 ayaa waxaa ku tartamay Cabdirisaaq Xaaji Cabdi (Midnimo) iyo Maxamed Cali Sheekh, waxaana kursiga ku guuleystay Cabdirisaaq Xaaji Cabdi (Midnimo) oo helay 80 Cod halka musharrixii la tartamayey ee Maxamed Cali Sheekh uu helay codad dhan 15-cod

Kursigii ugu dambeeyay ee doorashada Maanta ee HOP041 oo uu ku fadhiyay Idiris Cabdi Dhaqtar , laakin meesha laga saaray ayaa waxaa ku tartamay Nuura Mustaf Muqtaar & Muno Aadan Maxamed, waxaana kursiga ku guuleysatay Nuura Mustaf Muqtaar oo heshay codad dhan 83-cod halka musharaxii la tartamaysay Muno Aadan Maxamed ay heshay codad dhan 15-cod, halka ay xumaadeen labo cod.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More