Afganbi ka dhacay dalka Benin iyo Milatariga oo xukunka la wareegay

87

Dec 07(Jowhar)-Militariga dalka Binin ayaa ku dhawaaqay inay talada wadankaas afgambi kula wareegeen.

Saraakiil goor dhaw telefishinka qaranka dalkaas ka hadlay ayaa sheegay inay xukunka qabsadeen isla markaana ay laaleen dastuurkii dalka.

In iyagu hadda dalka maamulaan ayay telefishinka ka sheegeen waxaana la ogeyn halka uu ku dambeeyo m/weynihii dalkaas Batris Taloon oo xukunka hayay tan iyo sanadkii 2016,kii

Dad badan oo la dhacsan afgambiga maanta dhacay ayaa iskugu soo baxay magaalada caasimada u ah Baniin ee Porto-novo.

Baniin oo ku yaala galbeedka Afrika waxaa uu xaduudu la leeyahay dalal uu ka mid yahay Burkina-Faaso oo militarigu maamulo.